
Instagram oo soo kordhisay saxidda comments-ka (Edit), iyadoo ujeedadu tahay in la yareeyo baahida loo qabo in la masaxo comments-ka dibna di loo qoro marka uu qoraalku qaladamo.
Sidoo kale Instagram waxay caddeysay in la sixi karo (Edit) ilaa 15 daqiiqo kadib mark la qoro comment-ka, waxaana comment kasta oo la Edit gareeyo ka soo ag muuqan doona qoraalkan (Edited) oo cadaynaya in la edit gareeyay comment-kan, balse feature-kan uu soo kordhiyay Instagram ayaan lahayn in la arko qoraalkii hore ee la saxay (Edit history) sida facebook-ga.
Waxaana la rajanaynayaa in ay dib ka horumariyaan feature-kan kuna soo daraan muujinta taariikhda iyo wakhtiga isbeddellada iyo kordhinta muddada lagu edit-garayn karo comments ka dib mar ka la qor.